Koonfurta Suudaan oo ciidamo geysay dalkaas si ay qayb muhiim ah uga noqdaan heshiiska nabadda

0
142

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Xukuumadda midnimada ee Koonfurta Suudaan ayaa billowday in ay gobollada kala duwan ee dalka u daabusho ciidammo mideysan oo ka tirsan labada dhinac ee colaadda soo afjartay 2018-kii.

Hawlgalintan ayaa loo arkaa inay halbeeg muhiim ah u tahay heshiiskii nabadda ee dib loo soo nooleeyay ee Sebtembar 2018, oo ay kala saxiixdeen madaxweyne Salva Kiir iyo ninka ay isku hayeen ee Riek Machar, oo hadda ah madaxweyne ku xigeenka koowaad.

Qeybtii hore ee ciidamada oo ka baxay caasimadda Jubba subaxnimadii Arbacada. Waxa ay ahaayeen guuto ka kooban 750 askari oo u socday Malakal, oo ku taalla waqooyiga dalka.

Koox kale ayaa aadi doonta Waqooyiga Bahr El-Ghazal ee waqooyi-galbeed ee dalka.

Bishii Agoosto ee sannadkii hore 53,000 oo askari – oo ah kuwii ugu horreeyay ee ka mid ah ciidammada qalabka sida – ayaa qalin-jabiyay – iyaga oo noqday askartii ugu horreysay ee booliis iyo ciidan ah oo loo tababaro shaqada qaranka tan iyo markii Koonfurta Suudaan ay xornimada qaadatay 2011.