Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Xisbiga haya talada Koonfur Afrika ee ANC ayaa sheegay inay taageerayaan mooshin mucaaradka ay wadaan oo baarlamaanka laga keeno “in la xiro safaaradda Israa’iil ee Koonfur Afrika, lana joojiyo dhammaan xiriirrada diblomaasiyadeed ee kala dhexeeya dalkaas illaa ay ka aqbalayaan xabbad-joojin”.
ANC ayaa sidoo kale sheegtay in ay rajaynayso in Israa’iil “ay ka go’an tahay in ay ogolaato wadaxaajood ay fududaysay Qaramada Midoobay”.
Xisbiga mucaaradka dhaqaalaha xorta ah (EFF) ayaa sidoo kale ku baaqaya in la joojiyo dhammaan cilaaqaadka diblumaasiyadeed ee ay la leeyihiin Israa’iil si ay ula midoobaan dadka Falastiiniyiinta.
Dareenka Koonfur Afrika ee dagaalka Falastiin si ay u helaan dowlad madax-bannaan ayaa dib ugu laabaneysa waayihii halyeeygii ka soo horjeeday midab-takoorka ee Nelson Mandela.
Wuxuu si caan ah u yiri 1997, saddex sano ka dib markii uu noqday madaxweynihii ugu horreeyay ee si dimoqraadi ah loo soo doorto ka dib tobanaan sano oo halgan looga soo horjeeday xukunkii caddaanka tirada yar: “Waxaan si fiican u ognahay in xorriyaddeennu ay tahay mid aan dhammaystirnayn haddii ay xoriyad haysan Falastiiniyiinta.”