Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Halyeeyada horyaalka Premeir League ee Alan Shearer iyo Ian Wright oo ah khubrada barnaamijka Match of the Day (MOTD) ee telefishanka Sky Sports ayaa waxa ay shaaciyeen sidii ay Chelsea ku heshay xeeladda ay ugu babbac-dhigtay Manchester City oo ay Axaddii barbarro 4-4 ah ku qabteen kulan ka dhacay garoonka Stamford Bridge.
Blues ayaa lagala hormaray gool, balse waxay ugu beddeshay laba kale, ka hor intii aanay City is-raacinin laba gool, iyadoo Chelsea ay ku dambaysay qosolka oow aqtigii dheeraadka ahaa ee ciyaarta ay keeneen goolka barbarraha oo rikoodhe ahaa.
Khubarada barnaamijka MOTD ayaa waxa ay qodob-qodob u qaadaa dhigeen waxa ay kooxaha horyaalka Premier League u baahan yihiin in ay sameeyaan si ay iskaga dhiciyaan Man City oo sannadkii afraad oo xidhiidh ah raadinaysa inay ku guuleysato Premier Leagtue.
Manchester City ayaa saddexda ciyaarood ee soo socda ee Premier League waxa ay la ballansan tahay Liverpool, Tottenham iyo Aston Villa, iyadoo saddexda kooxoodba ay kaabiga kusoo hayaan oo ay saddex dhibcood kala soocaan.
Alan Shearer oo la weydiiyey haddii ay kooxahani garaaci karayaan Man City kulamada soo socda, iyo waxa ay u baahan yihiin inay sameeyaan, ayaa yidhi: “Waxay u baahan yihiin dheerranaan, dhamaanteenna waynu ognahay.
“Waxa laga doonayaa in ay sameeyaan wixii ay Chelsea samaysay oo ah geesinimo, kaddibna inay ka faa’iidaystaan fursadaha ay helaan. Haddii aad fursado hesho oo aad ka faa’iidaysato, waad ka guuleysanaysaa.”
Ian Wright ayaa si degdeg makarafoonka u qabsaday oo isaguna sharraxay sida ugu fiican ee looga adkaan karayo kooxda tababare Pep Guardiola, waxaanu yidhi: “Waxa aad u baahan tihiin ciyaartooyo si fiican u dheelaya, sida uu Alan tilmaamay.
“Kaddibna waxa aad u baahan tihiin in feejignaataan, sababtoo ah City waxay kugu soo soconaysaa mar walba, waxaanay kula xidhanyaan shaadhka.
“Markaa waa in aad adiguna isku daydo inaad shaadhka la xidhato oo aad joojiso, kana faa’iidaysato fursadahaaga.”