Chelsea Oo Isku-duubtay Manchester City Kulan SIDDEED Gool La Iska Dhaliyey & Palmer Oo Dilay Guardiola

0
81

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Kooxda kubadda kubadda cagta Chelsea ayaa barbarro waqti dambe ah ku qabatay Manchester City, ciyaar la isla rafaaday oo garoonka Stamford Bridge siddeed gool la iskaga dhaliyey, kaas oo sababay in hoggaanka horyaalka Premier League la isku soo dhowaado oo ay Man City hal dhibic kaliya ka sarrayso Liverpool iyo Arsenal oo kusoo xiga.

Thiago Silva ayaa ay nasiib-darro ku dhacday oo noqday ciyaartoy dhabarka ka jabiyey kooxdiisa Chelsea oo iska dhaliyey gool waqti dambe ah, halka bilowgii uu noqday geesigooda niyadda u dejiyey ee keenay barbarraha goolkii lagaga naxsaday bilowga ciyaarta, laakiin waxa la baxsaday Cole Palmer oo waqtigii dheeraadka ahaa dhaliyey goolka barbarraha ee Chelsea.

Erling Haaland ayaa rikoodhe ku furay ciyaarta daqiiqaddii 25aad kaddib markii Man City loo dhigay rikoodhe uu muran ku jiray oo uu sababay Marc Cucurella oo qabsaday weeraryahanka reer Norway, iyadoo qaladkan in muddo ah laga soo fiirinayay VAR.

Haaland ayaa toogtay dhinaca midig ee goolhaye Sanchez oo isaguna isku tuuray dhinaca bidix isaga oo waliba aad iskugu kala-bixiyey.

Saddex daqiiqadood oo kaliya ayay ku qaadatay Chelsea inay keento goolka barbarraha, waxaana madax ugu dhaliyey Thiago Silva oo la kulmay kubbad uu ka helay Conor Gallagher.

Raheem Sterling oo ahaa xiddiga nafta u keenay Manchester City ee burburiyey difaaca midig ee uu waardiyeynayay Kyle Walker, ayaa hoggaanka usii dheereeyey Chelsea oo u dhaliyey gool labaad daqiiqaddii 37aad, kaas oo ay Blues si weyn ugu dabbaal-degtay iyagoo u qaatay inay libinta ku helayaan.

Waqtigii dheeraadka ahaa ee lagu daray ciyaarta, ayay Manchester City keentay goolka barbarraha oo uu u dhaliyey Manuel Akenji oo madax ku qabtay kubbad koorne ahayd oo ay isku dhiibeen Bernardo Silva iyo Phil Foden, kaddibna madax lasoo saaray.

Markii lagu soo noqday qaybta labaad ayaa daqiiqaddii 46aad, waxa ay Manchester City la wareegtay hoggaanka ciyaarta, kaddib markii gool degdeg ah oo ku yimid kubbad rogaal-celis ahayd oo ay saddex ciyaartoy oo kali ahi isku soo dhiibeen dhinaca midig loogu tuuray Julian Alvarez oo isaguna goolka soo-hordhigay, taas oo uu shabaqa ku leexiyey Erling Haaland oo saxeexay goolkiisii 13aad ee horyaalka Premier League ee xilli-ciyaareedkan.

Chelsea isma aanay dhiibin, waxaana darbad xooggan oo uu goolka ku toogtay Conor Gallagher iska soo difaacay goolhaye Ederson, balse nasiib-darro kubadda ayaa kasoo fogaatay waxaana qaatay Jackson oo ciyaarta ka dhigay 3-3.

Iyadoo labada kooxood ay filayaan in ay natiijada ciyaartu noqonayso min saddex gool, ayaa waxa darbad xooggan oo uu lugta bidix u adeegsaday soo tuuray Rodri, waxaana kubadda taabtay Thiago Silva oo jihadeeda ka leexiyey, isla markaana goolhaye Sanchez dhinaca qaldan u diray, waxaana ay ciyaartu noqotay 4-3 ay hoggaanka ku hayso Manchester City.

Broja oo beddel ugu soo galay Chelsea daqiiqaddii 90aad ayaa waxa uu Blues u horseeday inay keento goolka barbarraha, iyadoo lagu galay rikoodhe afar daqiiqadood markii uu ku jiray garoonka.

Kubbad uu lasoo galay xerada ganaaxa, ayaa waxa uu u gooyey Ruben Dias oo isaguna isasoo tuuray, waxaana uu la hadhay lugta bidix ee laacibkan, taas oo keentay inuu dhulka ku dhaco, waxaana markiiba la dhigay rikoodhe aan meelna laga soo eegin.

Cole Palmer ayaa gool u beddelay rikoodhaha oo niyad-jabiyey saaxiibbadiisii hore ee Manchester City ee iska iibisay xagaagii isaga oo kasoo baxay kulliyadooda, waxaana uu sidoo kale qalbi-jabiyey tababare Pep Guardiola oo ahaa macallinkii soo ababiyey.

21 jirkan ayaa toogtay dhinaca midig ee goolhaye Ederson oo isaguna kubadda raacay, balse waxyar ayaa uu sare u qaaday oo uu ka sarraysiiyey gacanta goolhayaha Brazil.

Labada kooxoodba waxay heleen fursado dahabi ahaa oo goolal noqon karayay, siiba Chelsea oo ay Cole Palmer iyo Gusto kubadda ula tageen goolhaye Ederson.

Natiijadan ayaa ka dhigan in Manchester City ay hoggaanka horyaalka Premier League ku hayso 28 dhibcood, waxaana ay min hal dhibic ka sarraysaa Liverpool iyo Arsenal oo haysta min 27 dhibcood, halka Chelsea ay soo gashay kaalinta 10aad ee miiska kala-sarraynta Premier League oo ay leedahay 16 dhibcood.