Ciyaartoy Aan SADDEX Sannadood Gool Dhalinin Oo Guul Cidhiidhi Ah Ku Hoggaamiyey Manchester United

0
129

(Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Kooxda kubadda cagta Manchester United ayaa kusoo laabatay jidka guusha ee ay ka lumiyeen Arbacadii oo ay naadiga reer Denmark ee FC Copenhagen ay kusoo garaaceen 4-3 kulan ka tirsanaa tartanka Champions League, waxaana maanta la baxsaday Victor Lindelof oo dhaliyey goolkiisii u horreeyey muddo saddex sannadood ah.

Ciyaar fursaduhu aad u yaraayeen oo ay Manchester United u baahnayd guul si ay u badbaadiyeen tababare Erik ten Hag oo la sheegayay in la caydhin doono haddii ay guul-darraystaan, ayaa waxa saddexda dhibcood u go’aamiyey Victor Lindelof oo darbad xooggan oo lugta bidix ah ka dhax-saaray deersin difaacyahanno ah, kuna hubsaday shabaqa.

Kubbad hoosaysay oo uu dhinaca midig ka keenay Scott McTominay ayay iska saareen difaaca Luton, balse Lindelof oo taagnaa laynka dushiisa ayaa ku celiyey.

Goolkan ayaa noqday midkii koowaad ee uu dhaliyo Lindelof 1,056 maalmood, taas oo ah saddex sannadood oo uu ku jiray abaar goolal la’aan ah.

Rasmus Hojluna ayaa Manchester United ka khasaariyey fursad dahabi ahayd oo loo qaatay gool, ka hor intii aanu ku bixin dhaawac muruqa ah.

Manchester United ayaa waxa kale oo ka dhaawacmay Christian Eriksen oo ka baxay garoonka qaybtii hore ee ciyaarta.

Natiijadan ayaa ka dhigan, in Manchester United ay soo gashay kaalinta lixaad ee horyaalka Premier League, waxaanay lix dhibcood ka dambeeyaan Manchester City iyo Arsenal oo min 27 dhibcood haysta.