Real Madrid Iyo Bayern Munich Oo Usoo Gudubtay Wareegga 16ka Champions League, Arsenal Oo Khaarajisay Sevilla Iyo Natiijooyinka Kulamadii Caawa

0
89

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Kooxda kubadda cagta Real Madrid ayaa iska xaadirisay wareegga 16ka Champions League, kaddib markii ay Santiago Bernabeu dhax jiid-jiideen kooxda reer Portugal ee Sporting Braga oo ay 3-0 ku burburiyeen.

Los Blancos ayaa sii wadata rikoodhka guulaha Champions League, waxaanay badiyeen dhamaan afartii kulan ee ay ciyaareen, taas oo keentay in ay yeeshaan 12 dhibcood oo ay soo gudbaan iyadoo laba ciyaarood ka hadhsan yihiin Group-ka C ee ay ku wehelinayaan Napoli, Sporting Braga iyo Union Berling oo uu waqtigu ku xun yahay.

Brahim Diaz ayaa wacdaro ka dhigay garoonka oo burburiyey difaaca Sporting Braga, isaga oo hoggaanka u dhiibay naadigiisa Real Madrid daqiiqaddii 27aad, kaddib markii uu baas dahabi ah oo goolka hortiisa ah uu ka helay Rodrygo Goes.

Kubbad uu Ferland Mendy ka dhax-saaray laba difaac ayuu Rodrygo dhinaca bidix kala soo galay xerada ganaaxa, waxaana uu kubadda usoo dhiibay Brahim Diaz oo lugta bidix si xarrago leh ugu dhamaystiray.

Andrey Lunin ayaa la baxsaday Real Madrid bilowga ciyaarta, waxaana uu badbaadiyey rikoodhe uu galay Lucas Vazquez oo kusoo bilowday booska Dani Carvajal oo la nasiyey.

Goolkan ayaa ahaa midka kaliya ee labada kooxood ay kala dhaliyeen qaybta hore, hase yeeshee Real Madrid oo ahayd kooxda gacanta sarraysa ayaa markii lagu soo noqday qaybta labaad waxay weerar aan kala joogsi lahayn ku ekaysay goolka Sporting Braga, iyadoo Rodrygo iyo Vincius Junior ay si adag u shaqaynayeen.

Daqiiqaddii 58aad ayuu Vinicius Junior keenay goolka labaad ee Real Madrid ee sida dhabta ah u niyad-jabiyey Sporting Braga, saddex daqiiqadood kaddibna waxa goolka saddexaad oo qurux badnaa dhaliyey Rodrygo Goes.

Natiijadan ayaa ka dhigan in Real Madrid ay usoo gudubtay wareegga 16ka, waxaana labada ciyaarood ee u hadhsan ay kaliya ilaashan doonaan in ay booska kaalinta koowaad kaga soo gudbaan hormadooda, taas oo kaliya ay u baahan yihiin in ay hal mar badiyaan labada ciyaarood ee u hadhsan, maadaama ay Napoli ka horreeyaan shan dhibcood.

Dhinaca kale, waxa wareegga 16ka iska xaadirisay Bayern Munich oo waqti dambe ka takhalustay kooxda reer Turkey ee Galatasaray oo ay ku garaaceen 2-1.

Harry Kane ayaa daqiiqadihii 80aad iyo 86aad is-raaciyey laba gool oo daran-rooddi ah oo niyad-jabiyey difaacii adkaysiga badnaa ee Galatasaray.

Waxa kale oo guul weyn gaadhay Arsenal oo ay dhaawacyo ragaadiyeen oo 2-0 ku tuntay Sevilla oo rajo la’aan kasii noqonaysa tartanka Champions League.

Laba gool oo labadii qaybood ee ciyaarta ay kala dhaliyeen Leandro Trossard iyo Bukayo Saka ayaa Arsenal sabab ugu noqday in ay yeeshaan 9 dhibcood, halka PSV iyo Lens oo kusoo xiga ay min 5 dhibcood haystaan oo ay barbarro ku dhamaysteen kulankoodii caawa, iyadoo Sevilla ay haysato 2 dhibcood oo kaliya.