Manchester United Oo Guul-darro Xanuun Badan Loo Xambaariyey Oo Kaalinta Ugu Hoosaysa Uga Dhacday Group A

0
115

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Kooxda kubadda cagta Manchester United ayaa guul-darro xanuun badan loogu soo xambaariyey waddanka Denmark, waxaana dhulka jiid-jiidday FC Copenhagen oo kusoo karbaastay 4-3, iyadoo Man United ay xajisan kari weyday guul gacanteeda ku jirtay oo ay ciyaarta ku hoggaaminaysay 2-0, ka hor intii aan laga daba imanin.

Ciyaar musalsal ahayd oo toddoba gool la iska dhaliyey, ayaa Manchester United gelisay halis ah inay ka hadho tartanka Champions League, iyadoo kaalinta ugu hoosaysa kaga jirta Group A.

Manchester United ayaa hoggaanka qabatay daqiiqaddii saddexaad oo uu gool u dhaliyey Rasmus Hojlund oo waxyar kaddibna ciyaarta ka dhigay 2-0, isaga oo u muuqanayay in uu niyad-jabiyey naadigiisii hore ee uu kasoo baxay carruurnimadiisii.

Laakiin Marcus Rashford ayaa casaan toos ah ka qaatay Manchester United oo burburiyey qorshahoodii ciyaareed, waxaanay taasi keentay in laga daba yimaaddo oo afar gool laga dhaliyo.

Daqiiqaddii 45aad ayay FC Copenhagen furatay dhalinta goolasha oo ay keentay goolka koowaad, waqtigii dheeraadka ahaa ee lagu daray qaybta horena waxa ay keentay goolka barbarraha.

Manchester United ayaa u muuqanaysay in ay guuleysanayso markii loo dhigay rikoodhe uu gool u beddelay Bruno Fernandes daqiiqaddii 69aad, hase yeeshee natiijada iyo filashada midkoodna ma noqonin sidaas.

Lukas Lerager ayaa daqiiqaddii 83aad lugta midig ku dhamaystiray kubbad laga soo tuuray dhinaca midig oo aanu goolhaye Onana wax fursad uu ku joojiyo u helin inkasta oo uu gacanta bidix ku taabtay oo uu leexiyey, waxaana uu ka dhamaystiri kari waayey goolkiisa, iyadoo ciyaartu noqotay 3-3.

Daqiiqaddii 87aad, ayaa Manchester United waxa dilay wiilka 17 jirka ah ee reer Denmark ee Roony Bardghji oo gool qurux badan oo lugta bidix uu ku dhaliyey daba-mariyey goolhaye Onana oo meel hawo ah ay gacmihiisu taabteen.

Manchester United ayaa waxa ay kaalinta ugu hoosaysa ee afraad kaga jirtaa Group A, iaydoo haysata 3 dhibcood oo kaliya oo ay ka xoogsadeen kulankii hore ee FC Copenhagen, taas oo dhamaadkii uu goolhaye Onana ka badbaadiyey rikoodhe haddii laga dhalin lahaa ay caawa Red Devils si rasmi ah u macasalaamayn lahayd tartankan.

Bayern Munich oo u gudubtay wareegga 16ka oo haysata 12 dhibcood ayaa hoggaaminaysa Group A, waxaana min afar dhibcood haysata Galatasaray iyo FC Copenhagen oo labaad iyo saddexaad ku kala jira.

Manchester United waxay ciyaarta soo socota u tegi doontaa Galatasaray, halka kulanka ugu dambeeyana ay waajihi doonaan Bayern Munich.