Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Buundada Degmada Baardheere ayaa halis ugu jirta inay go’do iyado kumanaan qoys ay ka barakaceen xaafado horleh oo ka tirsan Degmada Baardheere waxaa marba marka kasii dambaysa kasii daraysa xaalada fatahaada Wabiga Jubba ee mara Degmada Baardheere waxaana jira cabsi xoogan oo ay qabaan dadka Deegaanka inay go’do buundada oo Marin muhiim u ah dadka iyo gaadiidkaba.
Masuuliyiin ka tirsan Maamulka gobolka Gedo kan Degmada Baardheere ayaa booqasho ku tagay buundada oo laga cabsi qabo inay go’do.
Fardowsa Axmed Cabdi.ayaa fah-faahineysa