Manchester United Oo Xaqiijisay Dhaawac Kale Oo Haleelay Casemiro Iyo Muddada Uu Maqnaanayo

0
179

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Kooxda kubadda cagta Manchester United ayaa waxa soo gaadhay jug kale oo u raacday guul-darradii xalay kasoo gaadhay Newcastle United oo garoonka Old Trafford kaga reebtay tartanka Carabao Cup oo siddeed kooxood ay iskugu soo hadheen, waxaana Red Devils ka dhaawacmay Casemiro.

Kubbad-burburiyaha reer Brazil ayaa waxa soo gaadhay dhaawac qaybta hore ee ciyaartii xalay oo uu ahaa kabtanka naadigiisa, waxaana la beddelay waqtigii nasashada oo booskiisa uu yimid Sofyan Amrabat.

Casemiro oo kasoo laabtay dhaawac kasoo gaadhay ciyaarihii caalamiga ahaa ee badhtamaha bishii October oo uu ku seegay dhawrkii ciyaarood ee u dambeeyey kooxdiisa, ayaa waxa uu tababare Erik ten Hag xaqiijiyey in uu ka maqnaan doono ciyaarta Fulham ee toddobaadka soo socda.

Ten Hag oo saxaafadda la hadlay kaddib ciyaartii Newcastle United ayaa yidhi: “Casemiro waa uu dhaawacmay, sidaas ayaanan u beddelay waqtigii nasashada.”

Mar la weydiiyey in uu qiyaaso muddada uu Casemiro ka maqnaan doono garoomada, ayaa waxa uu ku jawaabay: “Idinma siin karayo jawaab, waana in aanu sugno 24 saacadood [baadhitaannada], laakiin way iska caddahay oo waa hubaal in uu maqnaanayo Sabtida [ciyaarta Fulham]”.