Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Maalinta Caalamiga ah ee Joojinta Isla xisaabtan la’aanta dambiyada ka dhanka ah saxafiyiinta (IDEI) waa maalin caalami ah oo ay Qaramada Midoobay u aqoonsan tahay sanad walba 2 November.
Maalintani waxay soo jeedinaysaa heerka isla xisaabtan la’aanta dambiyada ka dhanka ah saxafiyiinta, taasoo weli ah mid aad u sareysa caalamka. Intii u dhaxaysay 2006 iyo 2020, in ka badan 1,200 oo saxafiyiin ah ayaa lagu dilay adduunka oo dhan, iyadoo ku dhawaad 9 ka mid ah 10 kii kiis ee dilalkan ah ay weli yihiin kuwo aan wax xal ah laga helin, sida ay sheegtay hay’adda UNESCO ee lacota saxafiyiinta la dilay.
Maxamed Cali Samow.ayaa warbixintan ku eegaya