Magaalada Baydhabo oo laga daah-furey Shir looga hadlayo kor u qaadista adeegyada Caafimaadka Xoolaha

0
179

(Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Shirkan wadatashiga ah ee Maanta ka furmay Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobalka Baay islamarkaana ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Xanaanada Xoolaha ee KGS mudada uu socodo waxaa looga hadli doonaa kor u qaadista iyo tayenta adegyada Caafimaadka Xoolaha.

waxaana furitaanka Shirka ka soo qeyb galay Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha ee KGS Masuuliyiin ka socday Bangiyada inta badan ka shaqeeya Horumarinta Xoolaha iyo sido kale Bahda Caafimaadka.

Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha ee KGS Mudane Sandheere Maxamed Iftiin oo daah furay Shirkan ayaa ka qeyb galayaasha kula dardaarmay in ay ka faa’iideystaan Shirka islamarkaana ay ku soo bandhigaan fikrado kala duwan oo la xidhiidha Xanaanada Xoolaha iyo sidii Xoolaha loo horumarin lahaa.

Xasan Maxamed Cabdullaahi.ayaa kawaramaya