Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Wasaaradda arrimaha gudaha iyo maamulka qaran ee Dalka Kenya ayaa digniin u dirtay cid kasta oo qorsheynaysa inay sameyso wax isdaba marin la xiriirta imtixaannada shahaaddiga ah.
Xoghayaha joogtada ah ee wasaaradda arrimaha gudaha Dr.Raymond Omollo ayaa sheegay in aan cidna laga oggolaan doonin inay arday u sameyso imtixaanka.
Waxaa uu sheegay in qofkii arrinkan isku daya laga qaadi doono tallaabada sharciga ee falkaasi ku habboon.
Omollo ayaa dhanka kale mamnuucay in taleefoonada lagu dhex isticmaalo goobaha ay ardayda imtixaannada ku sameynayaan.
Sidoo kale waxaa uu ka digay in baraha bulshada iyo kuwa farriimaha degdegga ah la isugu diro sida WhatsApp-ka, Telegram-ka iyo Signal-ka in lagu faafiyo warqado imtixaan oo faalis ah.
Waxaa uu xusay in dowladda ay si dhow ula socon doonto adeegsiga barahan.
Xoghayaha ayaa intaasi ku daray in qofkii warqado been abuur ah ku faafiyo baraha bulshada si uu ardayda u marin habaabiyo ama cidii iskudayda inay arday u sameyso imtixaanka in la saaraya ganaax lacageed oo dhan 20 milyan oo shilin Kenya ah.
Waxaa uu qorshuhu yahay in imtixaannada shahaaddiga ay berri si rasmi ah uga billowdaan gudaha dalkaasi.