Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa maanta dhagax dhigay xarunta howlgalka degdega ee Caafimaadka Dadweynaha ahna xarunta guud ee waaxda Caafimaadka Dowladda Hoose ee Xamar.
Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho ayaa Bulshada Magaalada Muqdisho kula dardaarmay in ay ilaashadaan xarumaha danta Guud.
Dhismaha xaruntan ayaa qeyb ka noqon doonto horumarinta adeegyada Caafimaadka Caasimadda JFS iyo in bulshada helaan adeegyo caafimaad oo taya leh kuwaas oo qeyb ka ah balan qaadyada maamulka gobolka Banaadir.
Xasan Maxamed Cabdullaahi.ayaa kawaramaya