Dhismayaal Cusub oo Lagu kordhin doono Isbitaalka Dhimirka Dr Xabeeb Oo la dhagax dhigay

0
97

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Isbitaalka Dhimirka ee Dr Xabeeb oo ay ku jiraan boqolaal bukaano ah kuwaaso la xanuusan xanuunada dhimirka ayaa waxaa Maanta Mar kale booqosho ku tagay Masuuliyiin ka tirsan Ururka midowga Diyaaradaha iyo Guddoomiyaha golaha badbaado bulsho Cabdiqaadir Maxamuud Maxamed iyo Guddoomiye ku xigeenka Ururka Midowga Diyaaradaha Axmed Diini Cali ayaa waxaa ay si wada jir ah u dhagax dhigeen Dhismayaal Cusub iyo goobo Dayactir lagu sameyn doono kuwaasi oo ka tirsan Isbitaalka Dhimirka ee Dr Xabeeb.

Dr Cabdiraxmaan Cali Cawaale (Dr Xabeeb) oo ugu Horeyn la hadlay Warbaahinta ayaa waxaa u mahad Celiyay Garab istaaga Guddoomiyaha golaha badbaado bulsho iyo Ururka midowga Diyaaradaha oo ka soo jawaabay Baahiyaha ka jira Isbitaalka.

Xasan Maxamed Cabdullaahi.ayaa kawaramaya