Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Kooxda kubadda cagta Manchester United ayaa saddexdii dhibcood ee ugu horreeyey ka heshay tartanka Champions League ee xilli-ciyaareedkan, waxaana halyey u noqday Harry Maguire oo gool uu dhaliyey ay Red Devils kaga takhalustay FC Copenhagen oo marti ugu ahayd Old Trafford.
Ciyaar ay xiddigaha Manchester United fursado badan iska khasaariyeen oo uu in badan is-canaantay Rasmus Hojlund oo shabaqa la seegay dhawr kubbadood oo uu waqti horeba ku dili lahaa kooxdiisii hore ee ay walaalladiina u ciyaaraan, ayaa waxa culayska ka furtay Harry Maguire oo inkasta oo muddo canaan loo jeedinayay hadda dib ugu soo laabtay in loo aqoonsado geesiga Old Trafford.
FC Copenhagen waqti hore kaga nixisay Manchester United kubbad uu birta ugu garaacay Diogo Goncalves, hase yeeshee Andre Onana ayaa geesi noqday dhamaadkii oo isaguna badbaadiyey rikoodhe lagu laaday oo halis gelin lahaa kooxdiisa.
Daqiiqaddii 72aad ayaa Manchester United ay heshay goolka madiga ah oo uu u dhaliyey Harry Maguire oo dhamaystiray kubbad uu ka helay Christian Eriksen, taas oo ay si weyn ugu dabbaal-dageen jamaahiirta la muraysnaa geerida Sir Bobby Charlton ee aamusnaanta kusoo galay garoonka Old Trafford.
FC Copenhagen ayaa loo dhigay rikoodhe daqiiqaddii 90+7 ee waqigii dheeraadka ahaa ee lagu daray ciyaarta, waxaana halyey noqday Onana oo badbaadiyey kubaddaas, kaddib waqti dheer oo canaan uu kusoo jiray.
Natiijadan ayaa ka dhigan in Manchester United ay soo gashay kaalinta saddexaad ee GROUP A, waxaanay laba dhibcood ka dambaysaa Galatasaray, halka Bayern Munich oo hoggaanka haysa ay leedahay 9 dhibcood.
Dhinaca kale, Real Madrid ayaa sii wadata rikoodhkeeda guulaha Champions League, waxaanay 2-1 kusoo garaacday kooxda reer Portugal ee Braga.
Rodrygo Goes iyo Jude Bellingham ayaa labadii qaybood ee ciyaarta kala dhaliyey labada gool, inkasta oo da’yarka Brazil ee Rodrygo ay nasiib-darro ku dhacday oo laga diiday gool kale oo uu dhaliyey.
Waxa kale oo jidka guusha kusoo laabatay Arsenal oo 2-1 kaga adkaatay kooxda reer Spain ee Sevilla oo ay marti u ahayd, waxaanay libintani timid markii ciyaartii ugu dambaysay ee Gunners ee Champions League ay Lens kaga soo adkaatay 2-1.
Xiddigaha reer Brazil ee Gabriel Martinelli iyo Gabriel Jesus ayaa dhaliyey labada gool ee Arsenal ay guusha ku heshay, halka kubbad uu soo tuuray Rakitic uu gool u beddelay Gudelj oo uu Sevilla u noqday goolka sharafta.
Natiijooyinka kulamadii Champions League ee caawa