Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Kooxda kubadda cagta Barcelona ayaa ka quusatay xiddig laf-dhabar u ah oo ay rajaynaysay in uu u ciyaari doono kulanka El Clasico ee Real Madrid ee Sabtida, taas oo la filayo in dersin ciyaartooyo ah ay dhaawacyo kaga maqnaan doonaan kooxda reer Catalonia.
Barcelona ayaa war fiican ka heshay dhaawacyada kooxdeeda ee ay kaga jiraan Lewandowski, Frenkie de Jong, Pedri, Joules Kounde iyo Raphinha, waxaana tababarka dib ugu soo laabtay kubbad-sameeyaha reer Spain ee Pedri.
20 jirkan oo garoomada ay ugu dambaysay badhtamaha bishii August oo uu dhaawac muruqa ah gaadhay, ayaa la filayay in uu badhtamaha bishan October kusoo laabto garoomada, waxaana xisaabta ay kooxdiisu kusii darsatay kulankii Athletic Bilbao ee Axaddii, hase yeeshee waxa uu awoodi waayey in uu taam u noqdo.
Sida uu qoray wargeyska Sport ee kasoo baxa Spain, Pedri ayaa sidoo kale aan qayb ka noqon doonin ciyaarta Shakhtar Donetsk ee Arbacada ee Champions League iyo kulanka adag ee Real Madrid ee Sabtida, waxaana inkasta oo uu tababarka qaatay haddana ay kooxdiisu rumaysan tahay in uu khatar ku geli doono.
Xavi ayay u badan tahay in khadka dhexe uu kusoo bilaabi doono Ilkay Gundogan, Gavi iyo Oriol Romeu, halka da’yarka Fermin Lopez uu yahay dookh fiican oo geli karaya booska uu ka maqan yahay Frenkie de Jong.
Geesta kale, Barcelona ayaan xisaabteeda ciyaartan ku darsan doonin Robert Lewandowski, Raphinha iyo Jules Kounde oo ay ciyaartani waqti hore ku tahay.