Maamulka Gobolka Hiiraan oo ku baaqay in la soo caawiyo dadka ka Barakacayaasha ah.

0
162

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cabdulahi Axmed Maalin oo ay weheliyaan xubno ka tirsan maamulka heer gobol iyo Degmo ee gobolka Hiiraan ayaa booqday qoysas uu sameeyay roobabkii ka da’ay Magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan kuwaasoo micin biday hareeraha wadada laamiga kadib markii daadad xoogan ay buux dhaafiyeen guryahooda.

Qoysaskan oo u badan dad danyar ah islamarkana ku noola kaamamka barakacayasha iyo xaafaddaha kooshin iyo Xaawo Taako gaar ahaan laanta Kutiimbo ayaa inta badan u barakacay duleedka waqooyi ee Magaalada Baladweyne.

Fardowsa Axmed Cabdi.ayaa fah-faahineysa