Wasiirka Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Jubbaland oo kormeer ku tagay Maxkamadda Sare ee Jubbaland.

0
154
Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Jubbaland mudane Cabdiweli Xuseen Jaamac oo uu wehelinayey Agaasimaha guud ee Wasaaradda Cabdullaahi Cabdiqaadir Qaanuuni ayaa maanta kormeer ku tagay xarunta Maxkamadda sare ee Dowladda Jubbaland, Waxaana halkaas kusoo dhaweeyey Guddoomiyaha Maxkamadda Saree e Dowladda Jubbaland Dr Cabdishakuur Maxamed Rashiid.
Kormeerka Wasiirka ayaa ujeedkiisa waxa uu ahaa u kuurgelidda habsami u socodka shaqada Maxkamadda Sare ee Dowladda Jubbaland, Waxaana uu kormeeray qaybaha kala duwan ee Maxkamadda.
Khadar Axmed Salaan.ayaa kawaramaya