Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Andy Robertson ayaa noqday dhibbanihii ugu dambeeyey ee difaacyada bidix ee horyaalka Premier League ee uu ku dhaco habaarka iyo inkaarta lama-filaanka ah ee halka boos ka gilgishay kooxaha horyaalka intooda adan.
Tababaraha Lierpool ee Jurgen Klopp ayaa xaqiijiyey in qalliin lagu samayn doono Andy Robertson oo uu muddo dheer ka maqnaan doono, waxaana la qiyaasayaa illaa saddex bilood.
Waxa uu liiska dhaawacyada difaacyada bidix kula biiray xiddigaha Manchester United ee Luke Shaw iyo Tyrell Malacia oo noqotay naadiga dhibaatada ugu badan ee dhaawacyadu kasoo gaadhay difaaca dhinaca bidixda, waxaana labadii laacib ee tayada lahaa ee ay haysteen oo hal mar iska raacay ay keentay in ay amaah kusoo qaataan Sergio Reguilon oo isaguna afartii ciyaarood ee u dambeeyey dhaawac u jiifay, kaddib saddex ciyaarood oo uu bandhig fiican sameeyey oo uu kusoo bilowday.
Kooxaha woqooyiga London ayaa iyagana ay inkaartan oo kale ku dhacday, waxaana horreysay Arsenal oo saxeexoodii cusbaa ee Jurrien Timber oo dhawr kulan kusoo bilowday difaaca bidix xilli uu maqnaa Oleksandr Zinchenko loo diray dhaawac toddoba bilood ah.
Tottenham ayaa sidoo kale uu qalliin galay difaacoodii bidix ee Ryan Sessegnon oo aan la garanayn waqtiga uu soo noqonayo, halka Chelsea uu bishii September ka dhaawacmay Ben Chilwell oo muddo dheer uu maqnaan doono.
Kaliya ma aha kooxaha waaweyn, hase yeeshee Brentford ayaa waxa ka dhaawacmay Rico Henry, halka West Ham uu ka maqan yahay Aaron Cresswell, iyadoo Aston Villa uu macasalaameeyey Alex Moreno oo dhaawacu kasoo gaadhay muruqa kulankii Legia Warsaw.
Brighton ayaa sidoo kale uu ka dhaawacan yahay Pervist Estupinan oo ka mid ah difaacyada bidix ee ugu wanaagsan horyaalka Premier League, halka James Milner oo xagaagii ay kasoo qaateen Liverpool oo boosas badan ka ciyaara uu isaguna liiska dhaawacyada galay.
Crystal Palace, Wolves iyo Man City ayaa iyaguna aan ka madhnayn dhaawacyada.