Dunida oo Maanta laga xusayo Maalinta Caalamiga ah ee Haweenka Reer Miyiga ah.

0
74

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Maalinta Caalamiga ah ee Haweenka Reer Miyiga ah waxaa la sameeyay 1995-tii Ururada Bulshada Rayidka ah Shirweynihii afaraad ee Haweenka Adduunka ee ka dhacay Magaalada Beijing, waxaana lagu dhawaaqay maalinta rasmiga ah ee Qaramada Midoobay 2007 Golaha Guud ee Qaramada Midoobay.

Gaaritaanka sinnaanta jinsiga iyo awoodsiinta haweenka maaha kaliya waxa saxda ah ee la
sameeyo laakiin waa shay muhiim u ah dagaalka ka dhanka ah saboolnimada ba'an, gaajada iyo nafaqo-xumada.

In haweenka la siiyo fursado la mid ah tan ragga waxay kor u qaadi kartaa wax soo saarka
beeraha 2.5 ilaa 4 boqolkiiba gobollada ugu saboolsan iyo tirada dadka nafaqo-xumada hayso waxaa la dhimi karaa 12 ilaa 17 boqolkiiba.

Fardowsa Axmed Cabdi.ayaa warbixintan ku eegeysa