Barakacayaasha Dhoobley oo codsaday in laga caawiyo dhanka hooyga.

0
68

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Magaalada Dhoobley ee Gobolka Jubbada Hoose ayaa waxaa ku nool dad Barakacayaal oo aad u badan ku waas oo xiligaan wajahaya walaac ay ka qabaan khataraha ka dhalan kara Roobaabka daayrta oo ka curtay qaybo ka mid Deegaanada Dowlad Goboledka Jubbaland.

Qaar kamid ah Barakacayaasha Degan kaamka daryeel ee Magaalada Dhoobley oo la hadlay Raadiyaha Sanguuni ayaa sheegay in aysan haysan Hooy fiican oo ay Roobka ka galaan sido kalana kaamka ay deganyihiin uu yahay mid ciriiri ah oo Musqulaha ay ku yaryihiin taasina ay ka dhalan karaan cudurada faafa.

Cabdullaahi Cabdicasiis Siraad.ayaa warbixintan ku eegaya