Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Xiddiga khadka dhexe ee reer France ee Adrien Rabiot ayaa rumaysan, in Lionel Messi aanu ku guuleysan doonin abaal-marinta xiddiga sannadka ee Ballon d’Or, waxaana uu magacaabay laba ciyaartoy oo kale oo uu sheegay in midkood uu ku guuleysan doono.
Lionel Messi oo 36 jir ah ayay dad badan saadaalinayaan in abaal-marinta Ballon d’Or la siin doono 30ka bishan October, waxaana ay noqon doontaa markiisii siddeedaad ee uu ku guuleysto haddii la siiyo.
Sababta uu furinta hore u joogo ayaa ah in uu xulka dalkiisa u qaaday Koobka Adduunka, isaga oo dhaliyey toddoba gool, saddex kalena caawiyey intii uu socday tartankaas. Waxa kale oo uu xilli-ciyaareedkii hore bandhig heersare ah ka sameeyey horyaalka Faransiiska ee Ligue 1 oo 45 ciyaarood oo uu u saftay PSG uu u dhaliyey 21 gool, 20 kalena uu caawiyey, isaga oo la qaaday horyaalka Ligue 1.
Si kastaba, Adrien Rabiot ayaa waxa uu ku dooday, in abaal-marinta Ballon d’Or ay kaliya u dhaxayso Erling Haaland oo Man City kula guuleystay Champions League, Premier League iyo FA Cup iyo weeraryahanka reer France ee Kylian Mbappe oo PSG la qaaday horyaalka Ligue, sidoo kalena xulka dalkiisa France keenay finalkii Koobka Adduunka oo uu saddexlay ka dhaliyey.
Adrien Rabiot oo la hadlayay warbaahinta ayaa yidhi: “Yaa ku guuleysanaya Ballon d’Or? In badan ayaan maqlay in Messi uu ku guuleysanayo, laakiin marka aad ka eegto heerka ciyaareed, waxay u dhaxayn doontaa Kylian Mbappe iyo Erling Haaland. Way adag tahay in aan midkood doorto, waxayna ku xidhan tahay waxa aad ku sallaynayso, laakiin waxay ila tahay in ay labadooda u dhaxayso.”