Joao Felix Oo Sharraxay Farqiga U Dhexeeya Barcelona iyo Atletico Madrid

0
76

(Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Xiddiga reer Portugal ee Joao Felix ayaa daboolka ka qaaday waxa ay ku kala duwan yihiin Barcelona oo uu hadda wacdaro ka dhigayo iyo kooxda uu amaahda kaga yimid ee Atletico Madrid, taas oo ay khaati ku kala taagnaayeen tababare Diego Simeone.

Joao Felix oo ay Barcelona amaah kagala soo wareegtay Atletico maalintii ugu dambaysay suuqa iibka ciyaartoyda ee xagaagii tegay, ayaa soo afjaray waqti adkaa oo uu kusoo qaatay Estadio Civitas Metropolitano.

Laacibkan oo Atletico Madrid ay kusoo iibsatay £113 milyan oo Gini sannadkii 2019, ayaa waxa uu ku adkaatay inuu saldhigo kooxdaas oo qaab ciyaareedkeedu uu dhibaato ku noqday, waxaana afartii sannadood ee uu joogay uu mid walba gaadhi waayey inuu dhaliyo toban gool, ka hor intii aanu xaqiijisanin riyadiisii carruurnimada ee aanu ku biirin Barcelona.

Warbaahinta ayaa weydiisay farqiga u dhexeeya kooxdiisa hadda ee Barcelona iyo naadigiisii hore ee Atletico Madrid, waxaanu ku jawaaay: “Sidii aan marar horeba sheegay, farqiga ud ehxeeya Barcelona iyo Atletico si walba ayaa loo arki karaa, koox ahaan ama naadi ahaan. Waxa aad arki kartaa sida ay u ciyaaraan oo aad isku barbar-dhigi kartaa, Ma aha wax xun, laakiin anigu si fiican ayaan ula qabsaday ciyaarta Barcelona. Hadda, waan faraxsanahay, waxa ugu muhiimsanna waa taas.

“Barcelona waa koox weyn, qof walbaana uu doonayo inuu u ciyaaro. Anigu si fiican ayaan ula qabsaday, waxase adag in aad joogtayso in aad sida ugu sarraysa u ciyaarto.”