Madaxda Midawga Yurub oo kulankoodii ugu horreeyey ku yeeshay Kyiv.

0
105
Ukrainian Foreign Minister Dmytro Kuleba and European Union Foreign Policy Chief Josep Borrell speak to the media before EU-Ukraine foreign ministers meeting, amid Russia's attack on Ukraine, in Kyiv, Ukraine October 2, 2023. Press service of the Ministry of Foreign Affairs of Ukraine/Handout via REUTERS ATTENTION EDITORS - THIS IMAGE HAS BEEN SUPPLIED BY A THIRD PARTY.

(Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Madaxa arrimaha debedda ee Midawga Yurub Josep Borell ayaa Isniintii sheegay in ururkoodu uu weli ku adkaysanayo taageerada uu u hayo Ukraine, isagoo ku dhawaaqay deeq cusub oo gaadhaysa illaa $5.25 billion oo dollar oo ay u fidinayaan Kyiv sannadka 2024.

Borell ayaa deeqdan ku dhawaaqay intii uu socday shir jaraa’id oo ay wada qabteen wasiirka arrimaha debedda ee Ukraine Dmystro Kuleba. Wasiirada arrimaha debedda ee Midawga Yurub ayaa kulankoodii ugu horreeyey ku yeeshay Kyiv, si ay taageero ugu muujiyaan Ukraine.

Kulankii ka dhacay Kyiv Isniintii, madaxa arrimaha debedda ee Midawga Yurub ayaa ku tilmaamay inuu ahaa mid taariikhi ah, kaas oo ay xulafada reer Galbeedku ay hareer istaageen Ukraine xilli ay ku jiro xaalad adag.

Doorasho ka dhacday dalka Slovakia, oo xubin ka ah Midawga Yurub iyo Isbahaysiga NATO, waxaa ku guulaystay musharax taageersan Ruushka, halka golaha sharci-dejinta ee Maraykankuna ay miisaaniyadda si ku meel gaadh ah uga saareen, lacago loo qoondeeyey Ukraine.

Madaxweynaha Ukraine ayaa hoosta ka xariiqay in dalkiisu uu sii wadi doono inuu ka difaaco Ruushka, shacabkiisa iyo dhaqaalihiisaba.