Taliyaha xabsiga Dhexe ee Xamar oo dhegax dhigay iskuul Waxbarsho.

0
83

(Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Taliyaha Xabsiga Dhaxe ee Xamar Janaraal Daahir Cabdulle Raage ayaa Qeybta Biyo Munde ee Xabsiga Dhaxe ka dhagax dhigay Iskuul Waxbarasho ah waxaana Dhismaha Mashruucan Dhismaha ka qeyb qaadanaya Maxaabiista Xabsiga Dhexe oo si isxilqaan ku dhisaya Iskuulkan.

Qaar kamid ah Maxaabiista oo is xilqaan ku dhisaya Iskuulkan ayaa Sheegay in codsi ay u gudbiyeen Taliyaha taasi ay keentay in laga aqbalay codsigooda islamarkaana ay keentay in ay iskuulkan dhismo ay ku bilaabaan.

Taliyaha Xabsiga Dhaxe ee Xamar Janaraal Daahir Cabdulle Raage ayaa Sheegay in wax kaste oo lagu dhisayo isxilqaan in ay diyaar u yihiin islamarkaana ay kaalintooda ka qaadanayaan.

Xasan Maxamed Cabdullahi. ayaa warbixintan ku eegaya