(Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Soomaaliya ayaa Maanta kulan iskugu jira Abaal marin iyo dhirigalin u sameysay Shirkadda Filsan oo dhawaan soo saartay Abuurka siman oo ah isku darka labo nooc oo galey Cusub ah tijaabadooduna ay socotay Mudo Shan sano ah taasi oo qeyb ka qaadan doonta kobcinta Wax soo saarka Dalka.
Abuurkan Galeyda ah oo noqonaya kii ugu horeeyay oo ay Soomaaliya soo saarto dhowr iyo Sodan Sono ka dib ayaa waxaa uu bilow u noqon doonaa yoolka Soomaaliya ee ah Gaadhida Sugnaan cuno oo dhameys tiran sida uu xusay Madaxa Shirkadda Filsan Dr Xuseen Macow.
Xasan Maxamed Cabdullahi.ayaa kawaramaya