Siddeed Ciyaartoy Oo Ka Baxaya Manchester United Sannadka 2024 Oo La Magacaabay.

0
158

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Kooxda kubadda cagta Manchester United waxay lumin doontaa siddeed ciyaarood xagaaga dambe, haddii aanay beddelin sida ay hadda wax ku socdaan oo aanay heshiisyo cusub siinin qaarkood, kuwo kalena ku qancin inay sii joogaan naadiga oo ay ixtiraamaan qandaraasyadooda.

Old Trafford oo ku jiray jawi guuleed tan iyo markii uu yimid Erik ten Hag xagaagii hore, waxa heshiisyo cusub oo ay cimrigooda ku hibaynayaan u saxeexay Marcus Rashford, Diogo Dalot iyo Luke Shaw, hase yeeshee waxa jira tiro ciyaartooyo kale ah oo aan wali ogolaan heshiis cusub.

Red Devils oo ay hadheeyeen wararka ku saabsan iibka kooxda ee qoyska reer Glazer, waxa ay u dhowdahay in ay lumiso xiddigo waaweyn oo sannadkii ugu dambeeyey qandaraasyadood uu u socdo hadda.

Difaaca midig ee reer England ee Aaron Wan-Bissaka oo sannadkii 2019 ay Manchester United kaga soo iibsatay Crystal Palace lacag dhan £50 milyan oo Gini, isla markaana uu Erik ten Hag ka dhigtay dookhiisa koowaad ayaa waxa u socda sannadkii ugu dambeeyey qandaraaskiisa, laakiin Red Devils ayaa haysata dookh ah in ay dhaqangeliso 12 bilood oo kale oo dookh ah oo ku jiray qandaraaskii ay la gashay afar sannadood ka hor.

Anthony Martial ayaa xor noqon doona xagaaga, umana badna in ay kooxdu heshiis cusub siinayso, waxaanay isku xaalad ku jiraan Victor Lindelof oo booskiisa lumiyey markii ay kooxdu heshay Raphael Varane iyo Lisandro Martinez balse ah beddelkooda.

Saddexda ciyaartoy ee Wan-Bissaka, Martial iyo lindelof ayaa Manchester United waxay isku-darkooda kusoo iibsatay £118 milyan oo Gini.

Waxa kale oo liiskan ku jira Jonny Evans oo heshiis sannad ah saxeexay, Hennibal Mejbri oo laba ciyaarood oo xidhiidh ah kusoo bilowday, Tom Heaton, Sofyan Amrabat oo amaahdiisu ku egtahay xagaaga laakiin ay Man United haysato dookh ay si rasmi ah ugu iibsan karto iyo difaaca reer Spain ee Sergio Reguilon oo isaguna dib ugu noqon doona Tottenham marka uu dhamaado sannadka amaahda ah ee uu ku qaadanayo Old Trafford