Mikel Arteta Oo Xaqiijiyey In Bukayo Saka Uu Seegay Tababarkii Ugu Dambeeyey Ee Kooxdiisa

0
72

(Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Tababaraha kooxda kubadda cagta Arsenal ee Mikel Arteta ayaa xaqiijiyey, in uu shaki weyni ku jiro in xiddiga reer England ee Bukayo Saka uu qayb ka noqon karayo ciyaarta Sabtida ee Bournemouth, kaddib markii uu dhaawac kaga maqnaaday tababarka.

Sako oo uu dhaawac kasoo gaadhay ciayartii North London derby ee Tottenham oo laga saaray qaybtii dambe, ayaa waxa uu Arteta xusay in ay suurtogal tahay in aanu qayb ka noqonin ciyaarta Bournemouth, sidoo kalena aanu xisaabtiisa ku jirin kulanka caawa ee Brentford ee Carabao Cup.

Tababaraha reer Spain oo saxaafadda la hadlayay ayaa yidhi: “Xanuun badan ayuu dareemayay ciyaarta kaddib. Waxa uu dibedda ka joogay garoonka, mana awoodin in uu tababarka qaato, waana suurtogal in uu ka maqnaado ciyaarta Bournemouth.”

Bukayo Saka ayaa sidoo kale la sheegay in ay suurtogal taha in aanu qayb ka noqon safarka ay kooxdiisu ku tegayso waddanka Faransiiska toddobaadka dambe oo ay kula soo ciyaari doonaan Lens ciyaarta labaad ee wareegga group-yada Champions League.

Arsenal oo sidoo kale ay sugayso Manchester City oo kusoo booqan doonta Emirates Stadium ka hor inta aan loo bixin ciyaaraha caalamiga ah ee bisha October, ayaa waxa uu dhaawaca Bukayo Saka ku yahay dhibaato weyn.

SIDOO KALE AKHRI
Ismuujintii Darwin Nunez, Khibraddii Jurgen Klopp Iyo SHAN Arrimood Oo Laga Calaamadiyey Kulankii Liverpool & Man City
Waqtiga Uu Trent Alexander-Arnold Kusoo Laabanayo Garoomada Oo La Shaaciyey
SEPTEMBER 27, 2023
Manchester United Oo Go’aan Ka Gaadhay Jadon Sancho Oo Beenaale Ku Tilmaamay Erik Ten Hag
Manchester United Oo Go’aamisay Qiimaha Ay Ku Iibinayso Jadon Sancho
SEPTEMBER 27, 2023
Ciyaarta caawa ee Brentford ayay u badan tahay in booska uu ka dhaawacmay Saka uu buuxin doono Smith Rowe.