Erik ten Hag Oo Magacaabay Xiddiga Uu Doonayo Inay Ku Daydaan Ciyaartoyda Manchester United

0
80

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Tababaraha kooxda kubadda cagta Manchester United ee Erik ten Hag ayaa magacaabay hal ciyaartoy oo kooxdiisa ah oo uu doonayo inay ku daydaan dhamaan ciyaartoyda kale ee Man United, kaddib guul-darradii kasoo gaadhay Bayern Munich Arbacadii.

Red Devils ayaa ku furatay tartanka Champions League ee xilli-ciyaareedkan guul-darro 4-3 ah oo ay Bayern Munich ugu soo xambaarisay Allianz Arena, waana guul-darradii saddexaad ee xidhiidh ah ee ay la kulmaan, iyadoo ay uga horreeyeen Arsenal iyo Brighton oo kusoo dilay horyaalka Premier League.

Erik ten Hag oo isku dayaya inuu dejiyo ciyaartoyda kooxdiisa, isla markaana kusoo celiyo dariiqa guulaha, ayaa waxa uu sheegay hal ciyaartoy oo tusaale u noqon karaya laacibiinta kale oo uu doonayo inay sidiisa oo kale sameeyaan.

Tababaraha reer Netherlands ayaa yidhi: “Waxa aan doonayaa in ciyaartoydu ay raacaan siaga. Waa midka kaliya ee tilmaaman, waa midka kaliya ee ciyaarta ku jiray. Waa in aad muujiso hoggaamiyeynimadaada marka ay kooxdu ku jirto waqtiyada adag ee ay u baahan tahay badbaadada.

“Dhamaan ciyaartoydu waa in ay sidiisa oo kale noqon karaan. Waxa uu muujiyey in uu yahay tusaale ay raaci karaan dhamaan ciyaartoyda kale. Kaasi waa Casemiro. Dhamaadkiina laba gool ayuu dhaliyey.”

Si kastaba ha ahaatee, Casemiro ayaa canaan badan loo jeedinayay kulamadii hore ee kooxdiisa oo bandhiggiisu aanu fiicnayn, waxaana la saaray ciyaartii Brighton ee Sabtidii.