Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Horyaalka waddanka Ingiriiska ee Premier League ayaa ku-dhowaad afar meeloodoow meel kharash gareeyey lacagta ay isticmaaleen horyaallada kale ee kubadda cagtu, waxaase uu hoos u dhac ku yimid horyaalka Spain ee LaLiga oo si weyn u hagaasay, isla markaana ay ka muuqato in ay xaqiiqo tahay dhaqaale-xumada ay ka cabanayaan kooxaha waaweyn.
Way adkaan doontaa in LaLiga uu la tartamo horyaallada kale sannadaha soo socda, marka la eego xaqiiqada ah in ay yihiin horyaalka lacagta ugu yara bixiyey xagaagan, waxaana uu ka hooseeyaa Bundesliga, Ligue 1 iyo xataa Serie A oo muddooyinkii dambe ay kooxihiisu hoos u dhacayeen, aadna u hoosaysay lacagta ay kharash gaaynayaan.
Kooxaha Ingiriiska ayaa waxa ay ciyaartooyo cusub kusoo iibsadeen lacag ka badan £1.6 bilyan oo Gini, waa sida ay FIFA shaacisay e.
Heshiishkii ugu weynaa ee ay Manchester City samaysay ayaa noqday difaaca reer Croatia ee Josko Gvardiol oo ay kasoo bixisay £77 milyan oo Gini, Manchester United ayaa saxeexeeda ugu qaalisan uu ahaa Rasmus Hojlund oo ay £72 milyan oo Gini kula soo wareegtay, halka Liverpool uu xiddigeeda ugu qaalisan ee ay la saxeexatay noqday Dominik Szoboszlai oo ku jooga £60 milyan oo Gini, iyadoo Chelsea jabisay rikoodhka horyaalka Premier League oo ay £115 milyan oo Gini kusoo qaadatay Moises Caicedo, halka Arsenal ay £105 milyan oo Gini kasoo bixisay Declan Rice.
£5.9 bilyan oo Gini oo ay kooxaha kubadda cagta ee adduunyadu kharash gareeyeen xagaagii tegay, 26% waxa bixiyey kooxaha Ingiriiska, hase yeeshee Real Madrid ayaa noqotay kooxda kale ee ka baxsan Premier League ee samaysay saxeexa qaali ah, iyadoo £113 milyan oo Gini kusoo iibsatay Jude Bellingham iyo Bayern Munich oo £100 milyan oo Gini kusoo qaadatay kabtanka England ee Harry Kane oo ay kasoo iibsatay Tottenham.