Xiddig Manchester United Ku Xisaabtamaysay Oo Jilibka Laga Qalay.

0
76

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Xiddig ka tirsan kooxda kubadda cagta Manchester United oo uu tababare Erik ten Hag ku xisaabtamayay ayaa lagu sameeyey qalliin jilibka ah oo muddo ay soo kabashadiisu qaadanayso, kaddib markii uu dhaawac soo gaadhay.

Manchester United ayaan hore u shaacinin in qalliin lagu sameeyey laacibkan, hase yeeshee sawir uu soo dhigay bartiisa bulshada ee Instagram ayaa uu ku muujiyey isaga oo jilibka karkaran oo ay ka muuqdaan nabarrada mindiyihii lagu qalay.

Xiddiga reer Ivory Coast ayaa hadalkiisa laga dhadhansaday in aanu diyaar u ahayn inuu kusoo laabto garoomada dhowaanahan, waxaanay taasi dhibaato weyn ku tahay Manchester United oo ay suurtogal tahay in ay ganaaxdo Antony oo aanu mar dambe u ciyaarin illaa inta laga dhamaystirayo kiiska fadeexadda ah ee loo haysto iyadoo sidoo kalena uu mugdi ku jiro mustaqbalka Jadon Sancho oo aflagaaddeeyey tababare Erik ten Hag.