Jurgen Klopp Oo Loo Sheegay Inuu Ogolaado Iibka Mohamed Salah Oo Fursad U Ah Liverpool

0
68

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Tababaraha kooxda kubadda cagta Liverpool ee Jurgen Klopp ayaa loo sheegay inuu ogolaado dalabka weyn ee ay kooxda horyaalka Sucuudigu kasoo gudbisay xiddiga Masar ee Mohamed Salah, isla markaana ay iibiyaan laacibkan.

Al Ittihad ayaa waxay Mohamed Salah dul-dhigtay £215 milyan oo Gini waxaana magaalada London ku sugan masuuliyiin ka socda kooxdan oo doonaya inay dhamaystiraan saxeexa Salah ka hor inta aanu Khamiista xidhmin suuqa iibka ciyaartoydu.

Kooxdan ayaa diyaar la ah inay shubto £170 milyan oo Gini oo kaash ah iyo lacago kale oo ku xidhnaan doona bandhigga laacibkan oo wadarta ka dhigi doona £215 milyan oo Gini, waxaana uu sidaas ku noqon doonaa ciyaartoygii ugu qaalisanaa kubadda cagta isaga oo jabin doona rikoodhka muddada u xidhan Neymar oo ah £198 milyan oo Gini oo sannadkii 2017 ay PSG kagala wareegtay Barcelona.

Weftiga ku sugan UK ee ka socda kooxda Al Ittihad waxay doonayaan in aanay laabanin illaa inta ay gacanta ku dhigayaan Salah, waxaana kooxdaas inay iibiso Salah u sheegay Jammie Carragher oo rumaysan in aan la diidi karaynin dalabkaas.

Halyeyga Liverpool ayaa yidhi: “Lama diidi karayo dalabkan. Marka aad eegto Harry Kane oo £100 milyan oo Gini ahaa oo sannad ama laba sannadood ka hor, waa in aad si dhab ah u eegtaan Salah.

“Liverpool waa inay hadda iibiso, waa run in ay doonayaan wax intaa ka badan, go’aanuna wuxuu u yaallaa Liverpool iyo Mohamed Salah. Waa laga yaabaa in aanu isagu doonayn inuu tago, annaguna taageereyaal ahaan waanu jecelahay in aanu tegin laakiin lama diidi karayo dalabka £215 milyan ee Gini.”