Erik ten Hag Oo Qirtay Qaladka Uu Ka Qoomamoonayo Ee Uu Sameeyey Kulankii Arsenal

0
94

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Alejandro Garnacho ayaa koornaha garoonka u cararay oo dabbaal-degay, Casemiro ayaa isaguna farxad waqti hore ah oo aan hubsiimo lahayn gacamaha ugu haadiyey taageereyaasha Manchester United. Andre Onana ayaa ku hor dabbaal-degay taageereyaasha Arsenal, laakiin waxyar kaddib garsooraha ayaa lagala soo hadlay VAR, waxaana loo sheegay in la hubinayo goolka ay sidan ugu farxeen ciyaartoyda Manchester United.

Falanqeeyeyaasha ciyaaraha ee taageera Manchester United ayaa tumay miisaska istuudiyeyaasha ay ciyaarta ka tabinayeen iyadoo jamaahiirta Arsenal ay daqiiqaddii 88aad bilaabeen inay iskaga dareeraan garoonka markii ay arkeen gool labaad oo laga dhaliyey kooxdooda.

Laakiin wax walba waqti kooban ayay isku beddeleen. Goolka Manchester United ayaa laga diiday markii la xaqiijiyey in Alejandro Garnacho uu ku jiray Offisde, sidoo kalena uu Declan Rice daqiiqaddii 96aad u dhaliyey Arsenal gool iyadoo kubadda uu isku sii leexiyey Evans oo bedel kusoo galay, halka Gabriel Jesus uu dhulka lasii dhacay Diogo Dalot oo uu gool qurux badan kusoo xidhay ciyaarta oo kusoo dhamaatay 3-1.

Waxay ahayd sidii musalsal oo kale, iyadoo goolhaye Aaron Ramsdale uu ka aargoostay Andre Onana oo uu markiisa si waalli ah u dabbaal-degay, isla markaana ka orday goolkiisa oo uu tegay koornaha goolka Manchester United ee ay ku dabbaal-degayeen ciyaartoyda kooxdiisu.

Inkasta oo aanu tababare Erik ten Hag si toos ah uga hadal, khubarada ciyaaraha ayaa waxay sheegeen in tababaraha Manchester United uu ka qoomamoonayo beddelkii uu ku sameeyey Victor Lindelof oo ay sheegeen in xataa haddii uu dhaawac ama daal qabo uu dhamaysan karayay waqtiga kooban ee ka hadhsanaa ciyaarta.