Bruno Fernandes Oo Sharraxay Sidii Ay Ciyaartoyda Manchester United Ahaayeen Markii Ay Qolka Labbiska Galeen

0
79

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Kabtanka kooxda kubadda cagta Manchester United ee Bruno Fernandes ayaa qirtay in guul-darradii ay shalay kala kulmeen Arsenal inay ahayd mid ay adag tahay in la qaato amaba la aqbalo, waxaanu soo bandhigay sidii uu ahaa dareenka ciyaartoydu markii ay ku laabteen qolka labbiska ciyaarta kaddib.

Manchester United ayaa laga dhaliyey laba gool waqtigii dheeraadka ahaa ee lagu daray ciyaarta, iyadoo Declan Rice iyo Gabriel Jesus ay labada gool u dhaliyeen Arsenal, xilli la filayay in labada kooxood dhibcaha ku wadaagayaan goolal ay qaybtii hore iskugu jawaabeen Martin Odegaard iyo Marcus Rashford.

Bruno Fernandes oo warbaahinta la hadlayay ciyaarta kaddib ayaa waxa uu yidhi: “Mar walba way adag tahay in la qaato guul-darrada nasoo gaadhay maanta oo kale. Goolal ayaa la naga dhaliyey waqti dambe annaga oo isku dayayna in aanu barbarro keenno.

“Arsenal waa koox wanaagsan oo dhibaato badan nagu abuurtay. Labada kooxoodba ciyaar fiican ayay soo bandhigeen, laakiin marka aad eegto dhamaadka, way nagu adkayd.

“Waxa aanu dareemaynay in ciyaartu dheelitiran tahay. Woxoogaa way naga yara gacan sarreeyeen kubbad-haynta balse waxay doonayeen inay nasoo weeraraan. Waanu ogeyn in annaguna aanu khatar badan oo weerar rogaal-celis ah ku abuuri karayno.

“Waxa aanu ka dhalinay gool, balse offside ayaa lagu sheegay. Waanu ka niyad-jabsanahay natiijada balse si fiican ayaanu u dheelnay, waana in aanu sii wadno in aanu helno natiijooyin togan oo joogto ah.”

Intaas kaddib ayaa Bruno Fernandes la weydiiyey sida uu ahaa qolka labbiska kooxdoodu, waxaana uu ku adkaystay in ciyaartoydu ay deggenaayeen, niyaddooduna fiicnayd inkasta oo ay natiijadu ahayd mid xun.