Barcelona Oo Kulan Toddoba Gool La Iska Dhaliyey Ku Garaacday Villarreal & Xiddiga Cusub Ee Barca Ee Wacdaraha Dhigay

0
65

Dhoobleey(Idaacadda Sanguuni)-Kooxda kubadda cagta Barcelona ayaa guul kasoo gaadhay Villarreal oo ay marti u ahayd, kulan la isku rafaaday oo toddoba gool ay iska dhaliyeen labada kooxood, taas oo sidoo kalena muujisay in uu kala daadsan yahay difaaca kooxda martida ahayd ee Barcelona.

Kooxda tababare Xavi Hernandez ayaa laba gool la hormartay 15kii daqiiqadood ee ugu horreeyey ciyaarta oo ay si fiican ku bilowdeen, hase yeeshee Villarreal ayaa saddex ugu beddeshay ka hor intii aanay Barca mar kale israacinin laba gool oo kale.

Kubbad heersare ahayd oo uu dhinaca bidix kasoo qaaday mucjisada cusub ee Barcelona usoo baxday ee Lamine Yamal ayaa waxa madax ku qabtay Gavi daqiiqaddii 12aad ee ciyaarta, waxaana saddex daqiiqadood kaddib gool labaad ku daray Frenkie de Jong oo ka faa’iidaystay kala daadsanaanta difaaca Villarreal.

Nasiibka ayaa diiday Villarreal, waxaana laga diiday gool ay ciyaarta ku bilaabeen daqiiqaddiis hanaad oo uu u dhaliyey Sorloth, hase yeeshee taasi waxba kama beddelin dagaalka iyo niyadda kooxdiisa.

Daqiiqaddii 26aad ayaa waxa Villarreal ciyaarta kusoo celiyey Juan Foyth oo u dhaliyey gool madax ahaa, hase yeeshee Sorloth ayaa dhamaadka qaybta hore oo ay shan daqiiqadood ka hadhsan tahay ciyaarta ka dhigay 2-2 kaddib markii kubbad ay Pedraza baas iskugu dhiibeen xerada ganaaxa Barcelona uu weydaariyey goolhaye Ter Stegen.

Markii lagu soo noqday qaybta labaad ee ay shan daqiiqadood socotay ayay hoggaanka la wareegtay Villarreal oo uu gool saddexaad u dhaliyey Alex Baena oo ahaa caawiyaha goolkii koowaad, waxaanay taasi khalkhal ku keentay Barcelona oo iyadoo 2-0 ku hoggaaminaysay ciyaarta laga dhigay 2-3.

Ansu Fati oo beddel kusoo galay ayaa Barcelona u keenay goolka saddexaad ee barbarraha ka dhigay ciyaarta, halka Robert Lewandowski oo fursado badan khasaariyey uu helay shabaqa oo uu ciyaarta ka dhigay 4-3, sidaas ayaanay Barcelona ku heshay guusheedii labaad ee xilli-ciyaareedka.