Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Kooxda kubadda cagta Barcelona ayaa xaqiijisay, in uu ka dhaawacmay mishiinkeedii khadka dhexe oo uu garoomada ka maqnaan doono illaa bisha October, taas oo niyad-jab badan ku keeni doonta tababare Xavi Hernandez oo ay adag tahay inuu ka maarmo laacibkan.
Tababarkii Barcelona ee maanta ayaa waxa uu dhaawac culus kasoo gaadhay halbowlaha khadka dhexe ee Pedri, waxaana uu garoomada ka maqnaan doonaa qiyaastii muddo laba bilood ah, sida ay xaqiijisay warbaahinta Spain.
Dhaawaca ayaa waxa uu Pedri kasoo gaadhay muruqa lugta midig, waxaana la sugayaa in kooxdu ay baadhitaanno samayso maalmaha soo socda, kaddibna si buuxda loo shaaciyo muddada saxda ee uu maqnaan doono.
Wararka hordhaca ah ayaa waxay sheegayaan, in uu Pedri seegi doono ku dhowaad siddeed ciyaarood oo horyaalka LaLiga ah iyo ugu yaraan kulamada bilowga wareegga group-yada Champions League.
Pedri oo door muhiim ah ku lahaa guushii Barcelona ee xilli-ciyaareedkii hore ee horyaalka LaLiga, ayaa waxa uu marar badan ku dhibaatooday dhaawacyo kala duwan oo soo gaadhay, waxaana uu dhaawaciisu fursad u noqon doonaa Ez Abde, inkasta oo boosaskoodu kala duwan yahay.
Barcelona ayaa waxa hore uga dhaawacnaa Ronald Araujo oo dib u bilaabay tababarka fudud, isla markaana la filayo inuu diyaar u noqdo kulamada usbuuca dambe.