Man United Oo Dirqi Uga Badisay Wolves, Onana Oo Wacdarro Dhigay & VAR Oo Rigoore Ka Beenisay Wolves

0
84

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Manchester United ayaa guul dirqi ah ka gaartay kooxda xujada noqotay ee Wolves iyagoo 1-0 ku garaacay ciyaar ay kooxda martida aheyd koontaroolka u heysay oo ka dhacday Old Trafford.

Gool uu dhaliyay Raphael Varane qeybtii labaad ee ciyaarta ayay Man United guusha ku xaqiijisatay halka goolhaye Andre Onana uu wacdarro dhigay isagoo fursado badan ka badbaadiyay Wolves oo weerar joogta ah heysay. Halka VAR ay waqtigii dhimashada rigoore ka diiday kooxda Wolves.

Qeybtii hore ee ciyaarta United wax fursad la sheegi karo ma aysan abuurin halka Wolves ay labo fursadood u heleen Cunha iyo Sarabia kuwaasoo ku guuldareystay inay gool u sarifaan kooxda martida aheyd ayaana u muuqatay mid isku agaasiman marka loo eego kooxda tababare Erik ten Hag.

Bilowgii qeybta labaad Cunha ayaa fursad gool loo fishay uu ka shaqeeyay Nunes qasaariyay halka Dawson uu kubad uu fursad ku helay xiddiga Man United ka soo bixiyay xariiqda goosha.

Ciyaarta ayaana kub soo dhamaatay 1-0 iyadoo United ay si dirqi ah u shaqeysatay seddexda dhibcood.