Man United Oo Ku Guuleysatay Inay Iska Iibiso Fred & Tijaabada Caafimaadka Oo Loo Balamiyay

0
136

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Kooxda Fenerbahce ayaa qarka u saaran inay la wareegto xiddiga khadka dhexe ee Manchester United Fred.

Manchester United ayaa ku iibisay xiddiga reer Brazil lacag gaareysa 15 milyan euro halka uu sidoo kale hishiis shaqsi ah la galay kooxda Turkiga.

Fenerbahce waxay saxiixa Fred ka dulqaaday kooxda Premier League Fulham madaama ay u soo bandhigeen mushahar ka fiican.

Kooxda Galatasaray ayaa sidoo kale isku dayday saxiixa Fred, laakiin waxay ku guuldareysteen inay hishiis shaqsi ah la gaareen.

Xiddiga khadka dhexe ayaa dhawaan u safraya dalka Turkiga si uu tijaabada caafimaadka u maro.

Fred ayaa ka mid ah xiddigaha ay Man United iska direyso xagaagan iyadoo sidoo kale ay wadada ku jiraan Harry Maguire iyo Scott McTominay.

Man United iyo West Ham ayaa durba ka hishiiyay saxiixa Harry Maguire halka West Ham ay sidoo kale dooneyso xiddiga khadka dhexe Scott McTominay.