DEG-DEG: Tababarihii 1aad Oo Laga Eryey Premier League Iyo Macallinka 2aad Oo La Qorayo Warqadda Shaqada Lagaga Caydhinayo

0
80

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Tababarihii koowaad ayaa laga eryey horyaalka waddanka Ingiriiska ee Premier League iyadoo aanu horyaalkuba bilaabmin oo Jimcaha la dheeli doono kulanka koowaad, waana mid nasiib xun oo hore ay ugu soo dhaceen niyad-jab uu kasoo qaaday shaqooyin hore oo tababarenimo oo uu soo qabtay.

Horyaalka waddanka Ingiriiska ee Premier League oo la filayo in shaqo ka  caydhinta tababareyaashu ay ka noqon doonto wax joogto ah ayaa waxa xalay oo xilli dambe ah warqadda erigiisa la qoray tababarihii koowaad, halka toddobaad gudihiina la filayo in tababare labaad la eryo.

Kooxda kubadda cagta Wolves ayaa war-saxaafadeed ay soo saartay waxay ku sheegtay in shaqada laga caydhiyey tababaraha reer Spain ee Julen Lopetegui oo muddo sannad ka yar maamulayay naadigaas.

Mulkiileyasha kooxda oo aan wax maalgelin ah ku samaynin kooxda xagaagan sababto la xidhiidha inay halis ugu jiraan in uu ku dhaco ganaax ka dhalanaya sharciga dhaqaalaha, ayaa waxa arrintan saluugsanaa Julen Lopetegui, waxaanay kooxdu sheegtay in si aanu hab-fikirkiisu saamayn ugu yeelanin ciyaartoyda, in ay go’aansadeen in ay eryaan, sida uu qoray wargeyska The Guardian.

Wolves ayaa la sheegay in ay indhaha ku hayso Gary O’Neil oo xagaagan laga eryay Bournemouth, kaas oo la filayo inuu noqdo tababaraha  cusub ee beddelaya Julen Lopetegui.

Julen Lopetegui ayaa ay hore ugu soo dhaceen niyad-jabyo waaweyn sannadkii 2018, waqtigaas oo laga eryey xulka qaranka Spain oo ku sugnaa waddanka Ruushka oo uu kaga qayb-gelayay Koobkii Adduunka ee sannadkaas, kaddib markii ay Real Madrid u magacowday tababaraheeda, taas oo haddana dhawr bilood kaddib eriday.

Si kastaba ha ahaatee, waxa kale oo halis ku jira tababaraha West Ham ee David Moyes oo isagana la sheegayo in ay suurtogal tahay in la eryo xataa inta aanu horyaalku bilaabmin ama usbuucyada ugu horreeya.