Maamulka Degmada Dhoobley oo Mashruuc Biyo Dhaamin ka daah furay Tuulooyin Hoos yimaada Dhoobley

0
95

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Maamulka Degmada Dhoobley oo ka kaashanaya Hay’adda SPA ayaa waxaa ay Mashruuc Biyo Dhaamin ah ka daah fureen Deegaanka Xubi ee Duleedka Degmada Dhoobley.

Mashruucan Biyo Dhaaminta ah ayaa loogu talagalay Qaar kamid ah Tuulooyinka Hoos yimaada Magaalada Dhoobley kuwaasi oo ay xiligan ka jirto Biyo la’aan Baahsan.

Ugu horeyn waxaa goobta lagu daah furayay Mashruuca biyo Dhaaminta ka hadalay Madaxa Hay’adda SPA Feysal Maxamed Xareed.

Geysta kale waxaa dhankiisa Madasha kahadlay Guddomiyaha Degmada Dhoobley Mudane Xasan Cabdi Xaashi oo xadhiga ka jaray Mashruucan loogu talagalay Dadka ku nool Tuulooyinka hoos yimaada Degmada Dhoobley in loogu sameeyo Biyo Dhaamin.

Xasan Maxamed Cabdullahi. ayaa ka warramaya