Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Agaasimaha guud ee Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada Soomaaliyeed Dr Guuled Cabdijalill ayaa maanta furay Shirka 3 biloodlaha ee iskuduwida howlaha Caafimaadka Soomaaliya sanadan 2023 kaasi oo diirada lagu saari doono xaqiijinta dhamaan dhaqaalaha ku baxay taageerida adeega caafimaadka uu ku saleesnaado hanaanka xirmooyinka caafimaadka aas aasiga ah si loo hubiyo helida adeeg leh tayo iyo hufnaan.
Shirka oo socon doono muda 2 maalin ah ayaa waxaa ka qeyb galaya Agaasime waaxeedyada Wasaaradda caafimaadka Soomaaliya hay’addaha caalamiga ah ee ka shaqeeya arimaha caafimaadka xubno sare oo ka kala socday xaafiisyada kala duwan ee Dowlada iyo dhaqaatiir.
Maxamed Cali Samow.ayaa kawaramaya