Ha Socoto!! Al Hilal Oo Lacagtii Mbappe Diiday Ku Doonaysa Xiddig Kale Oo Yurub Wacdarro Ka Dhigaya

0
133

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Kooxda Al Hilal ayaa dhawaan dalab rekoodhka aduunka noqon lahaa ka gudbisay weeraryahanka Paris Saint-Germain bixitaanka ka doonaya ee Kylian Mbappe.

Al Hilal ayaa kooxdiisa dalab 300 Milyan oo euro ah oo ay degdeg u aqbashay miiska u saartay halka ay ciyaaryahanka lacag waali ah oo 700 Milyan oo euro ah sanadkii mushahar ahaan ugu talo gashay.

PSG ayaa aqbashay dalabkaas maadaama oo aysan noociisa oo kale u helayn ciyaaryahanka balse isaga ayaa shaqsiyan diiday inuu xataa la kulmo shaqsiyaadkii metelayay kooxda.

Wargeyska L’Equipe ayaa sheegaya haatan in Al Hilal uga weecanayso Mbappe mid kamida xiddigaha ugu fiicnaa Yurub xilli ciyaareedkii tagay oo ah Victor Osimahen oo kusoo guuleystay gool dhaliyaha ugu sarreeya horyaalka Serie A.

Heshiiskan ayay warbixintu sheegaysaa inuu guud ahaan 200 Milyan oo euro ku qabsoomayo. Osimahen ayaan isagu shaqsiyan gabi ahaanba diidin dalabkan, sidoo kale Sky Sports ayaa sheegaya in Napoli degenaansho dareemayso maadaama ay ciyaaryahanka heshiis kordhin la meel dhigtay.

Image