Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Weeraryahanka reer England ee Harry Kane ayaa shandaddiisa ka xidh-xidhay Tottenham oo uu cimrigiisa ciyaareed oo dhan kusoo qaatay, waxaana uu dibedda uga baxayaa waddankiisa si uu ugu guuleysan karo koobab, maadaama aanu waligii wax koob ah qaadin intii uu ku jiray kubadda cagta.
Harry Kane ayaa la sheegay in uu kulankiisii ugu dambeeyey u ciyaaray Tottenham oo aanu mar dambe xidhan doonin garanka kooxdaas, isla markaana uu maalmaha soo socda noqon doono ciyaartoy ka tirsan koox kale.
Wariyaha ciyaaraha ee Christian Falk ayaa helay xogta wada-hadallo gabogabo ku dhow oo u socda Harry Kane iyo Bayern Munich oo qarka u saaran heshiis buuxa, iyadoo Tottenham na ku qasbanaan doonta inay aqbasho laba dalab oo kale dambeeyey oo ay kooxda reer Germany kasoo gudbisay gool-dhaliyahan.
Tottenham oo ciyaarteeda xigta ee saaxiibtinimo la ballansan Shakhtar Donetsk oo ay is-arki doonaan August 6, ayaa la sheegay in aanu Harry Kane qayb ka noqon doonin oo uu ka tegi doono inta aan la gaadhin waqtigaas.
Warkan ayaa waxa uu farxad u yahay tababaraha Bayern Munich ee Thomas Tuchel oo dalbanayay in loo keeno weeraryahan dhexe oo dabiici ah, maadaama xilli-ciyaareedkii hore ay la dhibaatoodeen sidii ay u buuxin lahaayeen booskii uu ku banneeyey Robert Lewandowski.