Madaxweynaha KG Oo Hay’addaha kala hadlay Dardar-Gelinta Mashaariicda lagu Horumarinayo Bulshada

0
101

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Kulankan ka dhacay Xarunta Madaxtooyada KG ayaa Madaxweynaha Dowlad DGKG Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen, ku qaabilay Madaxda Hay’addaha ka shaqeeya Guud ahaan Deeganada KG isagoo kala hadlay Dardar-Gelinta Howlaha shaqo ee ay ka wadaan Deeganada Koonfur Galbeed,gaar ahaan Degmooyinka Xudur iyo Bardaale sidii loogu tageeri lahaa Maamul Wanaaga, Xasilinta iyo in Degmooyinka laga hirgeliyo Mashaariic lagu Horumarinayo Arimaha Bulshada.

Mustaf Sheekh Cabdullaahi Agaasimaha Guud Ee Wasaaradda Arimaha Gudaha KG, ayaa marka uu kulanka soo dhaamadey la hadlay Warbaahinta waxaana u si kooban u sharaxey baahida keentey in Hay’adaha waqtigaan kala hadlaan Arimaha Hormarinta iyo Waxyaabihii ay kala kulmaan.

Xasan Maxamed Cabdullaahi.ayaa kawaramaya