Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Waxa ilaa shalay soo baxayay warar qaabab kala duwan uga hadlaya mustaqbalka weeraryahanka Paris Saint-Germain ee Kylian Mbappe.
Mbappe ayaa lala xidhiidhinayaa kooxo badan oo kala duwan waxaana kamida kooxda Sucuudiga ah ee Al Hilal oo dalab 300 Milyan oo euro ah u gudbisay PSG.
Paris ayay warbixino kala duwani sheegeen inay aqbashay dalabka rekoodhka ah ee Mbappe balse Al Hilal ayaan wali wax wadahadal ah la yeelan ciyaaryahanka.
Warbaahinta France ayaa shalay soo saartay war sheegaya in Barcelona wadahadalo la furtay PSG isla markaana ay doonayso inay dhawr ciyaartoy kaga bedelato Kylian.
Sida hadda uu daboolka ka qaaday wargeyska Mundo Deportivo, shaqsiyaad ku dhaw Barca ayaa mar wax laga weydiiyay arrimaha Mbappe iyo haddii ay PSG wadahadalo la bilaabeen ku qoslay arrintaas iyaga oo gabi ahaanba beeniyay.
Aragtida Barcelona ayaa ah in Paris doonayso inay samayso warar been ah si ay Real Madrid ugu qasabto inay degdeg usoo gasho arrinta Mbappe kalana saxeexato haatan.