Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Arsenal ayaa xalay guuldarro 2-0 ah kala kulantay dhigeeda Manchester United oo ay mid kamida kulamada diyaar garawga xilli ciyaareedka 2023-24 ku kulmeen dalka Maraykanka gaar ahaan garoonka MetLife.
Machester ayaa labada gool ee farqiga kulankaas sameeyay isla qaybtii horeba ka heshay Bruno Fernandes iyo Jadon Sancho oo laba gool oo cajiib ah dhaliyay.
Mid kamida xiddigaha markale indhaha caalamku qabteen ee kulankaas ayaa ahaa saxeexa cusub ee Arsenal ee Kai Havertz oo markale aan muuqan.
Jamaahiirta Arsenal ayaa qaab kala duwan uga falceliyay bandhigiisii kulankaas iyagoo qaar toos u eedaynaya halka qaar soo jeedinayaan in khadka dhexe laga bedelo.
Halkan ka akhriso faalooyinka qaar kamida jamaahiirta Arsenal:
“Havertz wuxuu qaadanayaa kulan fashil buuxa ah”
“Havertz aad ayuu u xun yahay”
“Arsenal waxa u fiican inay codsato in loo celiyo lacagtii Havertz”.
“Havertz maaha khad dhexe, taasi waa dhibta jirta. Ma garanayno booskiisa ugu wanaagsan”.
“Havertz maaha isaga”.
“Havertz xataa ma ciyaarayaa”
“Havertz kubadda ma taabtay”.
“Nketiah iyo Havertz wali garoonka maku jiraan”
Arrin kale oo aad loo eedeeyay ayaa ah in shaqsiga qaybta daadihinta kulanka u qaabilsanaa muuqbaahiyaha Man United ee MUTV uu aflagaadeeyay Kai Havertz isagoo ku sifeeyay “Qashin”.