Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Manchester City, kooxda dhawaan saddexleyda koobabka ah kusoo guuleysatay ayaa loo sheegay qaabka kaliya ee ay ku heli karto daafaca RB Leipzig ee Josko Gvardiol.
Gvardiol ayaa ah bartilmaameedka koowaad ee tababaraha Man City ee Pep Guardiola kaas oo la sheegay inuu ka cadhaysan yahay in kooxdiisu aysan bixinayn lacagta looga baahan yahay.
Leipzig ayaa u sheegtay Man City inaysan iibinayn ciyaaryahankeeda ilaa laga bixiyo 87-kii Milyan ee pound ee ay dalbadeen markii ugu horreysay ee City xiiso u muujisay saddex bilood kahor.
Leipzig ayaa bedelka Gvardiol u qorshaysatay saxeexa daafaca dhexe ee Feyenoord ee Lutsharel Geertruida oo ay kooxdiisu ku qiimaynayso 40 Milyan oo pound, dalabkii koowaad oo 15 Milyan oo pound ah oo ay ka gudbiyeen ayaa loo sheegay inuu cay iyo yasmo ahaa.
Leipzig ayaa u ogolaan doonta Gvardiol inuu ku biiro Man City haddii ay 50 Milyan oo pound oo faa’ido ah ku dhawaad ka helayso labada heshiis ee daafaca ka baxaya iyo midka u imanaya.
Inay 40 Milyan oo pound ku bixiyaan Geertruida ayaa ganacsi wanaagsan loo arki doonaa kaliya haddii ay City 87 Milyan oo pound ka bixiso Gvardiol, 21 sano jirkaas ayaa isagu shaqsiyan aad u doonaya inuu ku biiro Sky Blues.
Marka laga yimaado inay jireen warar sheegayay inuu tijaabada caafimaadka u maray Man City, Gvardiol ayaa la jooga safka Leipzig oo sagaal cisho tababar ku qaadanaya dalka Austria.