Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Barcelona ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday kabtanada kooxdeeda ee xilli ciyaareedka 2023-24 iyadoo laba meesha ka baxeen laba cusubina yimaadeen.
Barcelona ayaa sanadkan kusoo guuleysatay horyaalkeedii ugu horreeyay ee La Liga ah tan iyo 2019 iyadoo safka da’yarta u badan ee Xavi Hernandez muujiyeen qaan gaadhnimo weyn.
Si kastaba, baahida loo qabo in kooxda markasta cusboonaysiin lagu sameeyo ayaa muhiim ah iyadoo Xavi qorshaynayo mustaqbalka fog.
Sergio Busquets, kabtankii koowaad ee Barcelona ayaa baxay waxaana uu ku biiray kooxda Inter Miami kaddib 13 xilli ciyaareed oo uu kooxda koowaad la qaatay.
Sidoo kale kabtankii xigay ee Jordi Alba ayaa isaguna ka hayaamay Camp Nou isagoo isla Miami kula biiray Messi iyo Busquets.
Bedelka Busquets ahna kabtanka koowaad ayaa noqday Sergi Roberto oo ah xiddiga haatan ugu mudada dheer Barcelona waxaana soo raacay goolhaye Marc Andre Ter Stegen oo labaad ah.
Labada kabtan ee cusub ee soo buuxiyay kaalmaha ay afarta boos ka baneeyeen Busquets iyo Alba ayaa ah Frankie De Jong iyo daafaca dhexe ee Ronald Araujo.