Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Joao Felix mustaqbalkiisa Atletico Madrid ayaa u muuqda mid aan caddayn, Madrid ayaa doonaysa inay iska iibiso balse ma jirto ilaa haatan koox xiiso dhab ah u muujisay saxeexiisa.
Natiijo ahaan Felix ayaa wali ku sugan Atletico Madrid oo aan doonayn inay sii haysato isaguna uusan doonayn inuu sii joogo balse wuxuu waraysi bambo ah siiyay saxafiga caanka ah ee Fabrizio Romano.
Felix ayaa si cad u sheegay inuu jeclaan lahaa inuu u ciyaaro Barcelona oo uu ku sheegay kooxdiisa riyada ee uu jeclaa tan iyo carruurnimadiisii.
Sida uu Romano barihiisa bulshada ku baahiyay waxa uu yidhi Joao “Waan jeclaan lahaa inaan u ciyaaro Barcelona, Barca markasta waxay ahayd dookhayga koowaad waanan jeclaan lahaa inaan ku biiro Barca”.
“Markasta riyadayda ayay ahayd tan iyo markii aan carruurta ahaa, haddii ay dhacdo riyo rumawday ayay ii noqon doontaa aniga”.
Joao ayaa Barca lala xidhiidhiyay sanado hore iyo bilawgii xagaaganba balse nasiim xumo heshiiskaas ayay aad u adagtahay inuu qabsoomo maadaama ay Barca dhaqaale ahaan xadidan tahay.