Granit Xhaka Oo Si Rasmi Ah Uga Tegay Arsenal

0
181

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Kooxda kubadda cagta Bayer Leverkusen ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday heshiiska Granit Xhaka oo ay kala soo wareegtay Arsenal, waxaana uu u saxeexay heshiis shan sannadood ah oo socon doona illaa sannadka 2028, iyadoo isla maanta loosoo bandhigay saxaafadda.

Granit Xhaka ayaa xilli-ciyaareedkii tegay ee 2022/23 uu u ahaa sannadkiisii ugu fiicnaa ee Arsenal oo uu bandhig  heersare ah sameeyey, isla markaana ka caawiyey in ay ku dhamaystaan kaalinta labaad ee horyaalka Premier League, halka xilli-ciyaareedyadii ka horreeyey ay ku dhamaysteen kaalmaha toddobaad iyo shanaad

Xhaka ayaa go’aansaday inuu ka tago Arsenal maadaama ay kooxdaasi la saxeexatay Declan Rice oo ay £105 milyan oo Gini kagala soo wareegayso West Ham, isla markaana uu noqonayo ciyaartoyga ugu qaalisan Ingriiska.